Muqdisho: dib u dhac ku yimid shirkii DFS iyo Dowlad gobaleedyada

HomeWararka

Muqdisho: dib u dhac ku yimid shirkii DFS iyo Dowlad gobaleedyada

Iyadoo saaka oo khamiis ah lagu waday in Muqdisho uu ka furmo shirka u dhexeeya Dowladda dhexe iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa soo baxaya w

Biyo la’aan baahsan ayaa laga soo sheegayaa deegaanada hoosyimaada Buuhoodle (dhageyso)
Wafdigii xildhibaanada faderaalka ee Cadaado oo eedeeyey Villa Somalia
Daljir & BBCMA: BARAARUGGA Haweenka | (Taxanaha 73aad daawo)

Iyadoo saaka oo khamiis ah lagu waday in Muqdisho uu ka furmo shirka u dhexeeya Dowladda dhexe iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in dib u dhac uu ku yimid shirkii loo ballansanaa.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ay jiraan sababo dhowr ah oo keenaya in shirkaasi uu dib u dhaco, waxaana la sheegay in ay wali taagan yihiin khilaaf yadii u dhexeyay dowladda dhexe iyo maamulada Jubbland iyo Puntland.

Wali waxaa socda shirar gooni gooni ah oo la isugu soo dhweynayo dowladda dhexe labada maamul Goboleed.

Waxaa sidoo kale dib u dhacay kulan casho ahaa oo ay xalay ku ballansanaayeen mas’uuliyiintu, lamana shaacin sababta ka danbeysay in madaxdu ay ka baaqsadaan munaasabadda cashada ah ee lagu ballansanaa, waxaana wali socda shirar ay gooni gooni u leeyihiin mas’uuliyiinta dhinacyada isugu yimid muqdisho ee Dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: