Wafdigii xildhibaanada faderaalka ee Cadaado oo eedeeyey Villa Somalia

HomeWararka

Wafdigii xildhibaanada faderaalka ee Cadaado oo eedeeyey Villa Somalia

Xildhibaano katirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo shalay u tagay magaalada Cadaado dhexdhexaadinta madaxda Galmudug ee khilaafka uu ka dh

Sahanka Daljir kala soco Daljir
Warka Caweysin iyo c.xakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Safiirka Soomaaliya u magacaawday dalka Hindiya oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga

Xildhibaano katirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo shalay u tagay magaalada Cadaado dhexdhexaadinta madaxda Galmudug ee khilaafka uu ka dhaxeeyo ayaa soo saaray warmurtiyeed ay uga hadlayaan waxa uga soo baxay kulamadoodii magaalada Cadaado ay u yimaadeen.

Xildhibaanada ayaa qoraalkooda ku muujiyay inay la kulmeen madaxwaynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf, kuxigeenkiisa Maxamed Carabay iyo guddoomiyaha baarlamaanka ee Galmudug Cali Gacal Casir, balse nasiib darro ay madaxda kalle ay diideen wadahadal in lagu dhameeyo khilaafka, madaxwaynaha xilka laga qaaday ee Xaafna uu ogolaaday wadahadal in lagu dhameeyo.

Waxaa ay sheegeen masuuliyiinta kalle ee kasoo horjeeda madaxwaynaha Galmudug inay ku adkaysteen in loo hogaansamo go’aankii baarlamaanka ee xilka uu kaga qaaday Xaaf.

Wafdiga ayaa sidoo kalle sheegay madaxtooyada Soomaaliya inay ku lug leedahay khilaafka Galmudug ayna wadato musharax madaxwayne oo hub, ciidan iyo dhaqaale ay ku taageerayso.

Hoos ka akhriso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: