Muqdisho Burcad dhac geysaneysay oo saaka hawlgal lagu qabtay

Muqdisho Burcad dhac geysaneysay oo saaka hawlgal lagu qabtay

Ciidamada Booliska iyo Maamulka Dagmada Hilwaa oo iskaashanaya ayaa jowlgal ay Saaka sameeyeen degmadaas waxaa ay kusoo qabteen Afar Rag oo dhac u geysanayay Shacabka Xaafada Suuqa Xoolaha.

Raggaan ayaa la sheegay in mudooyinkii u dambeeyay ay dhibaata ku hayeen Dadka ku Nool Xaafada Suuqa Xoolaha, isla markaana dhowr Mobile ay ka dhaceen.

Saraakiil katirsan laamaha Amniga degmada Hiliwaa ayaa sheegay in Afarta ragga ah oo ay qabteen ay u gudbiyeen Xarunta Hay’adda Dambi baarista ee CID-da, sidoo kalena ay jiraan rag kale oo ay baadi hoobayaan.

” Cabasho ayaa dhowr jeet nooga timid Shacabka degmada, Burcad horay waan u qabanay hadana waan wadnaa howlgalka ka dhanka ah ilaa aan ka suulino xaafadaha degmada ayuu yiri” Sarkaal katirsan laamaha Amniga degmada Hurwaa.

Degmooyin badan oo kuyaalla Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dadka kunool muddooyinkii dambe ay ka cabanayeen Kooxo burcad ah oo fhac u geysanaya mararka qaarna dilaya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com