Munaasabada Ciidal Adxa oo Si Qurux Badan Looga Tukaday Jigjiga.(Sawiro)

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Munaasabada Ciidal Adxa oo Si Qurux Badan Looga Tukaday Jigjiga.(Sawiro)

Waxaa saaka aroortii hore si balaadhan isugu soo baxay garoonka kubada cagta ee caasimada deegaanka, kumanaan kun oo ah qaybaha kala duwan ee bulshada

Tuulada GABOGABO ee Degmada Tuli Guuleed oo Liyuu Boolisku Bandow saaray
RIYADII RUMOWDEY EE DEKADA GARACAD | WARDHEER ILLAA GALAADI EE GOBOLKA DOOLLO
Bulshada ku dhaqan Qabalaha U’uule Santarka Odowaa Ee Degmada wardheer Gobolka Doollo oo ka cabanaya Baahiyaha Aasaasiga

Waxaa saaka aroortii hore si balaadhan isugu soo baxay garoonka kubada cagta ee caasimada deegaanka, kumanaan kun oo ah qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xarunta deegaanka ee jigjiga si ay u tukadaan salaada ciidal Adxa.

Munaasabadan ciidal adxa waxaa kala soo qaybgalay shacabka madaxwaynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo qaarka mid ah golaha wasiirada DDS.

Madaxwaynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar oo ka hadlay munaasabadan ciidal adxa ayaa ugu hambalyeeyay dhamaan shacabka deegaanka munaasabadan barakaysan ee ciidal axda. Madaxwaynaha ayaa ka warbixiyay in munaasabadan ciidal adxa sanadkan ku soo hagaagtay wakhti uu deegaanka ka hirgalay isbadal ay shacabka deegaanka soomaalidu sugayeen sanado badan taasi oo suurtagalisay in shacabka deegaanku ayna maanta dareemay cadaadis, cabsi iyo cabudhis midna.

madaxwaynaha ayaa sheegay in ay maanta munaasabadan ku tukanayaan muwaadiniin badan oo wakhtiyadii hore laga caydhiyay deegaanka qaarkoodna lagu dhax dhibaataynayay deegaanka oo aan hore wakhtigu ugu saamixin in ay la tukadaan shacabkooda iyo deegaankooda kuwaasi oo ay ka mid yihiin hogaaminta Jabhada ururka ONLF oo maanta la tukanaya shacabkooda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: