Muhaajirin dooni kula dagtay xeebaha Senegal

Muhaajirin dooni kula dagtay xeebaha Senegal

Ugu yaraan 140 muhaajiriin ah oo ku sii jeeday Yurub ayaa ku dhintay xeebta Senegal,ka dib markii Dooni ay la socdeen oo sidday laba boqol oo ruux uu dab qabsaday,isla markaana qallibantay,sida maalinimadii Khamiiista ee shalay laga soo xigtay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka IOM .

Doontaan oo ka ambabaxday magaalada Mbour oo 100-km koonfur ka xigta magaalada caasimada ah ee Dakar,ayaa warku intaa ku daray in ay ka badbaadeen 60-ruux, ka dib kolkii ay shilkaasi ku baxeen ciidamada badda ee Senegal ,kuwo ka socday Isbaanishka iyo kaluumeysato.

Dowladda Senegal iyo Ururka IOM ayaa gaaray magaalada Saint-Louis,kuwaas oo gargaar degdeg ah u fidiyay,isla markaana qiimeeyay baahiyaha dadkii ka badbaaday Doontaasi .

Tirada dadka ka ambabaxaya Galbeedka Afrika ee tagaya jasiiradaha Canary,ayaa kordhay ,iyadoo shilkaan uu noqonayo kii ugu waxyeelada badnaa ee la diiwaan geliyo sannadkaan, sida ay sheegtay IOM.

Qiyaastii illaa 414 qof ayaa la ogyahay inay sannadka ku dhinteen xeebaha kulaala Dalka Senegaal.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com