HomeUncategorized

Mudanayaasha baarlamanka Kenya oo dowladda ku dhaliilay ammaandarrida ay islaamiyiinta Soomaaliya ka fulinayaan Kenya.

Nairobi, Mar 16 -Mudanayaasha baarlamanka Kenya ayaa kulan ay yeesheen kaga dooday xaaladda ammaanka ee dalka ,kaddib weerarkii banbaanada loo adeegsadaye e sabtidii ka dhacay magaalada caasimada ah ee Nairobi.

Gaashaandhiga barriga Afrika oo isla raadinaya Istaraatiyad amaanka looga wada shaqaynayo
Afhayeenada Xisbul Islam & Ahlu Sunna oo aan ka waraysanay dagaal ku dhex maray Beledweyn.
(Dhagayso) Caawa iyo Daljir Isniin 11 – April – 2016 Wariye Maxamed Cabdullaahi Cali (Kooshin) Studio Daljir Garowe

Nairobi, Mar 16 -Mudanayaasha baarlamanka Kenya ayaa kulan ay yeesheen kaga dooday xaaladda ammaanka ee dalka ,kaddib weerarkii banbaanada loo adeegsadaye e sabtidii ka dhacay magaalada caasimada ah ee Nairobi.

Mudanayaasha baarlamanka ee Kenya ayaa canbaareeyey weerarkii banbaanada loo adeegsaday ee ka dhacay badhtamaha magaalada Nairobi ,waxana ay dowladda ku dhaliileen in ay ka gaabisay dowrkeedii ku aadanaa sugidda amaanak dalka iyo ilaalinta muwaadiniinteeda.

Mudanaha baarlamaan ee Martha Karua yaa dowldda ku eedeeyey in baadhitaan la?aan iyo kartidaro dhinaca Police-ka ah, waxana uu ku baaqay in isbedel lagu sameeyo police-ka dalka.

Mudane laga soo doorto degaanka Mandheera oo lagu magcaabo Mohamed Hussein ayaa ammaandarrada isasootaraysa ee Kenya ku tilmaamay mid ka dhalatay gelitaanka Kenya ee Somalia ,waxana uu ku baaqay in ciidamada Police-ka la tayeeyo .

Mudane laga soo doorto degaanka Mathira oo lagu magcaabo Ephraim Maina
ayaa ugu baaqay dowladda Kenya ay jadwal-waqtiyeysan u samayso ku luglahaanshaheeda Somalia.

Dowladda Kenya ayaa weerarkii ka dhacay magaalada Nairobi ay gacan ku lahayd kooxda Al-shabab, inkastoo ururkaasi uu beeniyey massuuliyadda weerarkaasi.

Ciidamadda Kenya ayaa bishii October ee sanadkii hore galay koonfurta Somalia, iyagoo ka jawaabayey weeraro dad ajaanib ah lagu afduubtay oo ka dhacay xadka dalalka Kenya iyo Somalia.

Al-shabab oo lagu eedeeyey in ay ka dameeyeen weeraradaasi ayaa ku hanjbatay in weeraro ka dhana ah Kenya.

Diiwaanka Wararka
Daljir, Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: