Mucaaradka Puntland oo shacabka ku mucaaraday, kana dhuumanaya saxaafadda xorta ah

HomeUncategorized

Mucaaradka Puntland oo shacabka ku mucaaraday, kana dhuumanaya saxaafadda xorta ah

Puntland waxa ay 25ka bishaan May u dareereysaa doorashooyinka Golayaasha Degaanka. Waxaa ku tartamaya 7 urur siyaasadeed oo dhammaantood isdiiwaangal

?Wasiiro, dhakhaatiir, arday & dad rayad ah oo ku dhintay qarax ka dhacay huteel Shaamo.
DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Sabti_07
Fadhigii baarlamaanka federaalka oo lagu waday in la horgeeyo R/wasaaraha cusub oo maanta baaqday.

Puntland waxa ay 25ka bishaan May u dareereysaa doorashooyinka Golayaasha Degaanka. Waxaa ku tartamaya 7 urur siyaasadeed oo dhammaantood isdiiwaangaliyey. Waxaa kale oo jira urur siddeedaad oo aan magac lahayn, oo aan is diiwaangelin, kana mid ahayn todobada urur siyaasadeed. Waxa ayna sheegtaan in ay yihiin mucaarad.

Todobada urur siyaasadeed ee Puntland waxa ay kala yihiin:

  1. Kaah
  2. SINCAD (Sinnaan & Caddaalad)
  3. Mideeye
  4. Mustaqbal
  5. RUNCAD (Runta & Caddaalada)
  6. Ifiye
  7. Shaqaalaha

Todobada urur siyaasadeed waxa ay si joogto ah uga loolamaan warbaahinta, waxa ayna si joogto ah shacabka ugu soo bandhigaan qorshayaashooda siyaasadeed. Urur walba qorshihiisa siyaasadeed iyo hoggaanka ururka cidina caad kaama saarna, waana laga wada dheregsanyahay, dhan siyaasadeed iyo mid qabiilba. Waa tartan xor ah, waxaana loo wada tartamayaa codka shacabka.

Ururka siddeedaad ee magaclaawaha waxa badankooda lagu xantaa in ay hoosyimaadaan xulafada siyaasadeed ee loo yaqaan Aaranjaan, saldhigooduna yahay Garoowe, heshiisna kula ah Madaxweyne Xasan Shiikh in aan Puntland doorasho ka dhicin.

Ragga la yaqaan ee Aaranjaan ee hormuudka u ah ururkan siddeedaad ee magaclaawaha ah waxaa safka hore uga jira Maxamuud Shiddo, hoggaanka Aaranjaan, Xasan Shire Abgaal, Wasiirkii hore ee maaliyadda ee shaqada laga eryey, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo labadiisa wiil ee kala ah Khadar iyo Maxamed Faroole.

Safka danbe waxaa taagan rag badan oo dhawaan Xamar ka yimid, badankooduna hadda si hoose Gaalkacyo ugu shira, ahaana siyaasiyiin xil Puntland ama mid Federal mar ama labo jeer loo dhiibay. Badankoodu maba yimaadaan Puntland, mana laha mansab siyaasadeed iyo magac hadda qiime ka leh Puntland.

Ragga ururka siddeedaad ee magaclaawaha waxa ay dhammaantood ka simanyihiin diidamada dimoqraadiyeynta Puntland, haba ugu horrayso doorashada 25ka bishaan e. Waxay ku kala shiraan Garoowe iyo Gaalkacyo. Kuwa Garoowe waa suurtagal in ay qabtaan shir ay shacabka Puntland ugu hanjabayaan, waana ka dhabeeyeen oo waaba ayaga garoonkii caalamiga ahaa ee Maxamed Abshir International Airport albaabada isugu dhuftay, shacabka Garoowena qarka u saaray in ay qixiyaan.

Kuwa Gaalkacyo ayagu weli shacabka uma ay hanjabin, mana ay qaban shir jaraa’id, saxaafaddana waaba ka dhuuntaan. Daljir oo midmid farriimo ugu dirtayna weli jawaab kama aynaan helin.

Kuwa Garoowe waxba kama duwana kuwa Gaalkacyo, oo in ay qabtaan shir jaraa’id mooye, ma oggola in haba yaraatee wax su’aal ah la weydiiyo.

Haddaba su’aasha maanta taagan waxay tahay, “maxaa sababay taariikhda Puntland markii ugu horraysay in Puntland laga helo mucaarad saxaafadda ka dhuumanaya?”

Jawaabtu ma adka. Shacabka Puntland waxa ay rabaan isbaddal siyaasadeed. Isbaddalkaasna waxaa keeni kara doorasho. Mucaaradka Puntland ma rabaan dimoqraadiyad. Dadka Puntland ayana ma rabaan siyaasi aan rabin waxa dadku rabo. Siyaasi dimoqraadiyad-diid ahna maanta ma soo horfariisan karo shacabka Puntland iyo saxaafadda xorta ah.

Diiwaanka Daljir | Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: