Millateriga Itoobiya oo ku biiray dagaalka Ciidamada liyuu Boolis & Al-Shabaab

Millateriga Itoobiya oo ku biiray dagaalka Ciidamada liyuu Boolis & Al-Shabaab

Ciidamo katirsan kuwa Millateriga Federaalka Itoobiya ayaa kasoo dhaqaqaaqay magaalada Godey ee dowlad deganka Soomaalida, kuwaas oo ku wajahan deegaanada dhaca Xaduudaha oo ay maalmihii u dambeeyey dagaalo ku dhexmarayeen ciidamada dowlad degaanka & Al-Shabaab.

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxummed Cumar oo Ciidamada soo sagootiyay ayaa kula dardaarmay inay gutaan waajibaadkooda qaran, isla markaana ay dagaal adag la galaan Al-Shabaabka weerarka kusoo qaaday.

Wuxuu sheegay Madaxweyne Mustafe in Al-Shabaab ay yihiin Koox Argagaxiso ah oo diidan ammaanka & Horumarka Geeska Afrika, ayna muhiim tahay in hal meel looga soo wada jeesto si looga guuleysto.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa dagaalo xoogan waxaa ay Ciidamada liyuu boolis iyo Al-Shabaab ka dhacayeen deaano kamid ah dowlad degaanka Soomaalida dhinaca xadka gobolka Bakool, waxaana Maanta dagaal kale uu ka dhacay dhinaca deaanka Feer Feer ee Gobolka Hiiraan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com