Milkiilaha Hotel Xayaat ayaa markii ugu horreysay ka hadlay weerarkii lagu qaaday Hotel-ka

Milkiilaha Hotel Xayaat ayaa markii ugu horreysay ka hadlay weerarkii lagu qaaday Hotel-ka

Milkiilaha Hotel Xayaat oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Maxamuud Nuur Faatul oo wareysi siiyay laanta Afsoomaaliga ee VOA-da ayaa markii ugu horreysay ka hadlay weerarkii lagu qaaday Hotel-ka, isaga oo sheegay in ay jirto dhibaato ballaaran oo soo gaartay Hotelka oo ay ugu horreyso burbur xoogleh oo ka muuqda dhismaha.

Ugu horreyn milkiilaha Hotelka ayaa beeniyay wararka sheegaya in Hotelka ay degnaayeen ragga weerarka ku soo qaaday, isaga oo arintaas ka hadalayay waxa uu yiri “Waxa aan caddeyneynaa in aanay waxba ka jirin in Hoteelka ay degenaayeen ama Malab ku iibinayeen Dadka weerarka geystay”.

Sidoo kale waxa uu sheegay Cabdiqaadir Maxamuud Nuur Faatul oo ah milkiilaha Hotelka in aysan dajin qof aan la garanaynin kaas oo aan la haynin macluumaadkiisa “Hotelka System ayuu leeyahay sida Hotelada caalamka, waxaa jira awaamiir nala siiyay oo Hotelada dhan ay maraan, qofka marka uu Hotelka yimaado Passport-kiisa iyo Cidda keentay ayaa la xareeyaa, layskama dajiyo qof aan laga xareyn Document” sida uu yiri Ganacsade Faatul.

Dhanka kale Milkiilaha Hotelka ayaa sheegay in Hotelka uu ahaa goob ay isugu yimaadaan ganacsatada kuwaas oo badanaa ku shira, waxa uu kale carrabka ku dhuftay in uusan ahayn xero dowladeed oo aad loo adkeenayay Ammaanka balse ay joogeyn Askar ilaalo ka ah kuwaas oo suga amniga dadka.

Waa weerarkii ugu muddada dheera ee Al-shabaab ka fuliso gudaha Magaalada Muqdisho tan iyo doorashada Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ee 15 May 2022-ka, hase ahaatee Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre oo hadlay weerarka ka dib ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay xoogga saari doonta waxkaqabasahda guud ahaan Amniga Dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com