Militariga Suuriya oo sheegay in duqayn diyaaradaha Israa’il u gaysteen kayd hub

HomeWararka

Militariga Suuriya oo sheegay in duqayn diyaaradaha Israa’il u gaysteen kayd hub

Qaraxyo xoogan ayaa laga maqlayay xalay oo dhan meel ku dhow caasimadda Suuriya ee Dimishiq, waaxaana militariga Suuriya ay ku tilmaameen inuu ahaa du

Sheekh Siciid Axmed Faarax iyo wacyi gelinta Covid19 waa halis bulshooy! (daawo)
Ka qaybqaado Afurinta danyarta Soomman (dhegayso)
Aqoonsi SSC-KHAATUMO Xasan Sheekh dhimashuu ka xigaa

Qaraxyo xoogan ayaa laga maqlayay xalay oo dhan meel ku dhow caasimadda Suuriya ee Dimishiq, waaxaana militariga Suuriya ay ku tilmaameen inuu ahaa duqayn diyaaraha Israa’iil ay u gaysteen goob hubka lagu kaydiyo.

Saraakiil katirsan militariga Suuriya ayaa u sheegay warbaahinta dowladda ay maamusho in la beegsaday xarun hubja lagu kaydiyo, waxaana ku dhaawacmay sadex ka mid ah askarta Suuriya, waxaana badankoooda ay ahaayeen gantaalo ay ciidamada Suuriya ay ka hortageen oo aanay qarxin.

Israa’iil ayaan xaqiijin duqaymaha la sheegay inay fuliyeen diyaaradaheeda dagaalka inay fuliyeen iyo gantaalaha la sheegay in lasoo riday.

Warbaahinta Suuriya ayaa baahisay Salaasadii hore muuqaal ay ku sheegtay inay ciidamada Suuriya ay qabteen gantaalo aan qarxin.

Qaraxyada xalay laga maqlayay caasimadda Suuriya ee Dimishiq ayaa waxaa wehliyay rasaas u muuqday kuwa si toos la isku waydaarsanayay.

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: