Midowga Yurub oo Somaaliya ugu deeqay 105 million oo Dollar

HomeWararka

Midowga Yurub oo Somaaliya ugu deeqay 105 million oo Dollar

Golaha Europe waxay shaaciyeen inay Ururka Midowga Europe (EU) ansixiyeen 89 million oo Euro oo u dhiganta 105 million oo Dollar oo lagu taageerayo H

Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Garowe (dhegayso)
Shirkada SOMTEL oo Bosaaso ka daahfurtay Barnaamijka Saamiyada Somtel Puntland (Daawo)
Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Muqdisho (dhegayso)

Golaha Europe waxay shaaciyeen inay Ururka Midowga Europe (EU) ansixiyeen 89 million oo Euro oo u dhiganta 105 million oo Dollar oo lagu taageerayo Hawlaha Samafalka ee Somalia

Goluhu waxa uu tilmaamay in Kaalmaadaasi ku soo beegantay, iyadoo la filayo in Shirweynaha looga hadlayo Arrimaha Somalia oo ay Midowga Europe marti-geliyeen uu berrito ka furmo caasimadda dalka Belgium ee Brussels, wuxuuna kulankaasi socon doonaa muddo labo maalmmood.

Madaxa Hawl-fulinta Kaalmooyinka Aadaminimo iyo Maareynta Masiibooyinka ee EU-da, Christos Stylianides waxa uu sheegay in Kaalmadaasi Dhaqaale loogu tala-galay dadka aadka ugu nugul iyo taageeradda Naf-badbaadinta ee dadka ay dhibaataddu ka soo gaartay Isbedelka Cimiladda iyo Colaadaha ka socda gudaha Somalia.

Waxa uu tilmaamay in laga argagaxayo dhibaatadda Abaaraha ee Somalia ka jirtay Labadii sanno ee la soo dhaafay iyo dadadkii dhwaan la tegay xoolihii ay dhaqan jireen Malaayiin qof oo ku nool gudaha Somalia.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: