Midowga Yurub oo 13.5 milyan oo Yuuro ku taageeray Soomaaliya

Midowga Yurub oo 13.5 milyan oo Yuuro ku taageeray Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa lacag dhan 13.5 milyan oo Yuuro ku taageeray miisaaniyadda dowladda Federaalka Soomaaliya

Lacagtan oo ah 13.5 milyan oo Yuuro oo lagu shubay qasnadda qaranka ayaa qayb ka ah 92.9 milyan oo Yuuro taageero miisaaniyadeed iyo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo uu maalgeliyay Midowga Yurub oo markii ugu horreysay la isku raacay 2018. Kaalmadan ayaa ka kooban qaybo joogto ah iyo kuwo isbeddelaya, tan dambe waxay ku xiran tahay horumar lagu sameeyay dib-u-habayn dhaqaale iyo bulsho lagu heshiiyey.

Taageerada tooska ah ee EU-da ee miisaaniyadda federaalka waxaa looga golleeyahay in lagu taageero hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Soomaaliya (NDP-9) iyo taageeridda dib-u-habaynta dhaqaalaha ee lagu gaarayo Dhamaystirka Heerka

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com