Midowga musharixinta oo xalay kulan xasaasi ah yeeshay

HomeWararka

Midowga musharixinta oo xalay kulan xasaasi ah yeeshay

Waxaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay mid kamid ah hoteelada ku yaal magaalada Muqdisho qaar kamid ahoggaanka ugu sareeya Xubnaha Midowga Musharixiinta

Arday Somaliyeed oo ku xaniban Magaaladda Makeli & dagaalka Itoobiya iyo TPLF oo sii xoogaystay
Roobka Baargaal
Galmudug iyo Hirshabeelle: “Waa in dalka ay ka dhacdo Doorasho degdeg ah meeshana laga saaro Mudo kordhin” (War Murtiyeed)

Waxaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay mid kamid ah hoteelada ku yaal magaalada Muqdisho qaar kamid ahoggaanka ugu sareeya Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha.

Kulanka oo casha sharaf iyo xog-wareysi isugu jira ayaa waxaa ay Midowga Musharixiinta uga hadleen marxaladihii ugu dambeeyey ee xaaladda Dalka iyo Doorashooyinka la filayo dhawaan inay bilaabmaan.

Sidoo kale waxaa ay Midowga Musharixiinta falan qeeyeen dadaalii faraha badnaa oo ay geliyeen sidii loga hortegi lahaa muddo kororsiga ay Golaha Shacabka u sameeyeen Farmaajo, kaas oo guuleystay.

Ugu dambeyn Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay u mahad celiyeen dhamaan intii ka qeyb qaadatay ka hortagga muddo kororsiga oo ay ugu horreeyaan Ciidamada iyo Saamileyda Siyaasadeed ee dalka.

Kulanka gaarka ah oo Xubnaha Midowga Musharixiinta ay xalay yeesheen ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay la soo bandhigay Magacyada liiska xubnaha cabashada ay ka qabaan ee ku jira guddiyada doorashooyinka Qaranka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: