Midowga Musharixiinta: “Farmaajo dalka god madow ayuu ku wadaa

HomeWararka

Midowga Musharixiinta: “Farmaajo dalka god madow ayuu ku wadaa

Qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka xilligaan iyo Kulanka u furmay Xildhibaannada Golaha Shacabka

Siyaasi Cabdiraxmana Cabdishakuur “Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku fashilmay sidii loo dooran lahaa 329 kursi oo heshiis lagu yahay”
Xulashada Daljir & Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Wadahadalada Puntland iyo Galmudug ee Gaalkacyo oo Weli Socda iyo Xaalka Gaalkacyo

Qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka xilligaan iyo Kulanka u furmay Xildhibaannada Golaha Shacabka , kaas oo la sheegay in Xildhibaannada ku doonayay inay sameeyaan muddo kororsi.

Xubnaha Midowga Musharixiinta oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa waxaa ay ku eedeeyeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in dalka uu ku wado meel ana wanaagsaneyn iyo xasilooni darro.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Farmaajo uu doonayo mudda kororsi aan sharciga waafaqsanayn, kaas horseedi doona fowda iyo burbur ay adagtahay in dib looga soo kabto.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu socd muddo kororsi aan shacri aheyn, waxaana uu nasiib darro ku tilmaamay in Ciidamada Qaranka ay ku kala qyeb samaan xaaladda Siyaasadeed ee dalka.

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay soo dhaweeyeen Tilaabadii uu Maanta Taliyihii Booliska Gobalka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) uu uga digay in dalka aan la galin xaalad Cusub oo siyaasadeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: