Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray doorshada dalka, eedeyna ujeediyay Farmaajo

HomeWararka

Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray doorshada dalka, eedeyna ujeediyay Farmaajo

Kulan ay ku yeesheen Xubnaha Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha maanta magaalada Muqdisho ayay ugaga hadleen xaaladda dalka gaar ahaan Arrimaha

Guddiga doorashooyinka Federaalka oo kulan la qaatay Madaxweyne Gaas (dhegayso/daawo)
(Daawo) Qaabkii loo soo dhaweeyay madaxweyne Axmed Madoobe
Warka Caweysin iyo Fadumo degan Daljir Bossaso (dhegayso)

Kulan ay ku yeesheen Xubnaha Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha maanta magaalada Muqdisho ayay ugaga hadleen xaaladda dalka gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka.

Kulankan ayaa waxaa ay Midowga Musharixiinta diirada ku saareen culeysyada kajira dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Gabagabadii kulankan ayaa waxa ay Midowga Musharaxiinta ay ka soo saareen afar qodob oo kan ugu horeeya uu yahay dib u dhaca doorashada iyo mugdiga uu galay ayna Bulshada Soomaaliyeed ka niyad jabeen ,isla markaana uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo.

Sidoo kale Golaha Midowga Musharixiinta ayaa sheegay inay u taagan yihiin in dalkaan doorashooyin xur iyo xalaal ah oo la isku haleyn karobay ka dhacaan.

Midowga ayaa xusay in ay wadahadalo la leeyihiin Golaha wadatashiga doorashoiyinka sigaar ah dowlad Goboleedyada, iyaga oo u gudbiyay tabashada ay ka qabaan habraaca doorashada, wixii kasoo baxana ay Bulshada la wadaagi doonaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: