Midowga Musharaxiinta oo maanta cadeeyay Mowqifkooda Doorashada (daawo)

HomeWararka

Midowga Musharaxiinta oo maanta cadeeyay Mowqifkooda Doorashada (daawo)

Afhayeenka Midowga Musharrixiinta Daahir Maxamuud Geelle oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddo ah ay raadinayeen in dalka laga qabto doorasho

Caawa & Daljir iyo c.xakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Labada musharrax ee ugu codka badan wareegga koowaad ee doorashada guddoonka golaha shacabka.
Xasan sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Garoowe

Afhayeenka Midowga Musharrixiinta Daahir Maxamuud Geelle oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddo ah ay raadinayeen in dalka laga qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo watigeeda ku dhacda , balse ay ku guuldareysteen hoggaanka Villa Soomaaliya ee lagu aaminay dalka.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Midowga musharrixiinta dadaalkooda ay keentay in ay ka hortagaan muddo kororsi, sidoo kale welina ay raadinayaan in dalka ka dhacdo doorasho huufan oo xalaal ah.

Musharrax Daahir Geelle oo sii hadlayay ayaa sheegay in sida hadda ay ku socoto doorashada laga dhaxli doono burbur, hanaan foolxun iyo in dalka meel xun gaaray, wuxuuna sheegay inay bilaabi doonaan kulamo ay la qaadanayaan, Ururada ada Bulshada Rayidka, Odayaasha Dhaqanka iyo saraakiisha Ciidamada, kaas oo ay kaga tashan doonaan arrimaha doorashooyinka.

Daawo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: