Midowga Musharaxiinta: “Farmaajo waa in uu baneeyo Madaxtooyada”

HomeWararka

Midowga Musharaxiinta: “Farmaajo waa in uu baneeyo Madaxtooyada”

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa cambaareeyey falkii shalay ka dhacay madaxtooyada oo uu ku tilmaamay ra’iisul wasaare Rooble isku day afgambi waxayn

Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Garoowe (dhegayso)
Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay dhibaatada binu aadantinimo ee ka dhalatay daadadka ku fatahay magaalada Qardho
Leyla Ali Elmi: Gabadhii ugu horraysay oo Muslin ah (Soomaali) oo Sweden Xildhibaan ka noqotay (dhegayso)

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa cambaareeyey falkii shalay ka dhacay madaxtooyada oo uu ku tilmaamay ra’iisul wasaare Rooble isku day afgambi waxayna dalbadeen in Farmaajo si deg deg ah u baneeyo madaxtooyada Qaranka.

Qoraal ay goor dhow soo saareen midowga musharaxiinta ayay ku tilmaameen khiyaano qaran falkii shalay ka dhacay Madaxtooyada.

“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu si kulul u canbaaraynayaa isku-daygii afganbiga ahaa ee uu 27-ka December, 2021 ku kacay Madaxweyne hore Maxammad Cabdullaahi Farmaajo. Goluhu wuxuu afganbigaas dhicisoobay u arkaa in uu ahaa khiyaano qaran oo lagu duminayo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka, laguna carcialadayno doorashooyinka. Maxamad Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isku-dayey in uu awood ciidan ku qabsado hay’ado madani oo dastuuri ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay midowga musharixiinta.

Sidoo kale Midowga musharixinta waxa ay dalbadeen in si dhaqso ah dacwad looga gudbiyo madaxweynihii hore ee Farmaajo iyo intii kale ee ku gacansiisay afganbigaas.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: