Midowga Afrika oo Mar kale war kasoo saaray Xiisadda Soomaaliya iyo Kenya

Midowga Afrika oo Mar kale war kasoo saaray Xiisadda Soomaaliya iyo Kenya

Guddoomiyaha Gudiga Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa walaac ka muujiyay Xiisadda Siyaasadeed ee soo laablaabatay ee Kenya iyo Soomaaliya.

Gudoomiyaha wuxuu ka codsaday dhamaan daneeyayaasha inay xasiliyaan Xiisadda oo ay xakameeyaan, kuna dhiiri galiyo labada dal inay khilaafaadkooda ku xalliyaan wadahadal.

Waxaa uu sheegay in Midowga Afrika, oo kaashanaysa Beesha Caalamka uu sii wadi doonaan inay si dhaw ula socdaan xaaladda labadda dal si looga baaqsado in Khilaafka sii xoogeysto.

Guddoomiyuhu wuxuu mar kale xaqiijiiyay u diyaar ahaanshaha Ururka Midowga Afrika si loo taageero labada dal in ay yeeshaan wadahadal wax ku ool ah oo lagu horumarinayo nabadda, xasilloonida iyo deris wanaagga, iyada oo la waafajinayo astaamaha iyo mabaadi’da Midowga Afrika.

Labadii bilood ee lasoo dhaafay dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa eedeymo kala duwan hawadda isku marsiiyay ka dib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay Kenya ay faragalin ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com