Midowga Afrika oo ku baaqay in la sameeyo qorsho looga hortagayo qaraxyada ka dhaca Soomaaliya.

HomeWararka

Midowga Afrika oo ku baaqay in la sameeyo qorsho looga hortagayo qaraxyada ka dhaca Soomaaliya.

Howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ku baaqay dadaallo wadajir ah oo ay sameeyaan dhammaan dhinacyada ay khusay

Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Garoowe: Dooda PUNSAA: Caqabadaha kuxeeran doorashooyinka Puntland & nidaamka dimuqraadiyeynta

Howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ku baaqay dadaallo wadajir ah oo ay sameeyaan dhammaan dhinacyada ay khusayso iyo bulshada deegaanka si looga hortago khatarta ka imanaysa walxaha qarxa ee ka dhaca dalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka ATMIS ayaa sheegay in khatarta ka imanaysa qaraxyada ay waajib ku tahay howlgalka iyo la-hawlgalayaasheeda si ay ula yimaadaan tillaabooyin cusub oo ka hortagga qaraxyada.
“Si loo yareeyo khatartaqaraxyada waxay u baahan doontaa Saraakiisha militariga ee ku lug leh maamulada Soomaaliya iyo la shaqeynta bulshada, xoojinta dowladnimada, iyo taageeridda dadaallada xasilinta,”

ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray ka dib markii uu dhammaaday shir saddex maalmood ka socday Muqdisho .
Shirkan oo ay ka soo qayb galeen saraakiil sarsare oo ka kala socday ATMIS, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxka qabashada Miinada iyo daneeyayaasha muhiimka ah ayaa qiimayn ku sameeyay tallaabooyinka hadda la qaadayo ee lagaga hortagayo qaraxyada si loo sameeyo istaraatiijiyad dhamaystiran oo lagaga hortagayo khatarta qaraxyada.

Ndegeya ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qiimeeyo hab-dhaqanka iyo howlgallada , iyadoo la eegayo xal u helida caqabadaha ka dhalan kara qaraxyada.
Waxa uu sheegay in inkasta oo ay jiraan dadaallo ay UNMAS ku doonayso in ay kor ugu qaaddo awoodda ka-hortagga qaraxyada ee howlgalka iyada oo loo marayo tababbarka, la-talinta, iyo taageerada qalabka, qaraxayada.

Soomaaliya ayaa waxaa ku badan qaraxyada miino ee meelaha fogfog laga hago, kuwa Gawaarida iyo kuwa ay isku soo xiraan dadka naftooda haliga eebis qarxiya, waxaana dowladaha dalka soo maray aysan ku guuleysan inay waxka qabtaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: