Midowga Afrika oo ka soo jawaabay Codsi ay u gudbisay Dawladda Federaalka Soomaaliya

Midowga Afrika oo ka soo jawaabay Codsi ay u gudbisay Dawladda Federaalka Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa taageeray codsigii dowladda Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo ahaa in muddo saddex bilood ah la hakiyo bixitaanka ciidamada ATMIS.

War saxaafadeed ka soo baxay Holaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika, ayaa waxaa lagu sheegay ay u taageersan yihiin codsiga ku aadan in la hakiyo dhimista 3,000 askari oo ka mid ah ciidamada ATMIS ee ku sugan Soomaaliya .

Golaha Midowga Afrika ayaa sidoo kale soo dhaweeyay ballan-qaadka dalalka ay ciidamada ka joogaan Kenya, Itoobiya, Burundi, Jabuuti, iyo Uganda ee ah inay la shaqeeyaan Soomaaliya iyo saaxiibada kale, si loo helo taageero maaliyadeed oo looga baahan yahay xilliga kala guurka.

Wejigii labaad ee dhimista ciidamada Midowga Afrika ayaa ujeedkiisu ahaa in Soomaaliya laga saaro 3,000 oo askari oo nabad ilaalin ah, iyadoo howlgalka uu horay u soo saaray in ka badan 2,000 oo askari.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com