Mid Ka Mid Ah Kooxda Nabadiidka Alshabab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka

Mid Ka Mid Ah Kooxda Nabadiidka Alshabab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka

Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo kusoo Bandhigey Mid ka Mid Ah Kooxda Nabadiidka Alshabab oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Baraka Xasan oo Magaciisa Afgarashadiisu ay tahay(Lagooye) ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,

Cabdiraxmaan ayaa Kooxda Nabadiidka Alshabab u qaabilsanaa Jabhada,Wuxuuna ku jirey Mudo 3-Sano ah isagoona Dagaalo Dhowr ka dhacay Deeganadaa Gobolka Baay uu ka qeyb qaatey,

Wuxuuna Sheegey in Sababta ku kaliftey in uu Alshabab isaga soo baxay ay tahay Dhibaatooyinka Noolasha iyo mida ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan ayaa Saaxibadiisa kale ku jira Nabadiidka Alshabab ugu baaqey in ay isaga soo baxaan Kooxda Nabadiidka Alshabab ay isku soodhiibaan Ciidanka Dowladda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com