Mesut Ozil oo deeq afurin ah ugu deeqay Qoysaska danta yar ee Soomaaliya

Mesut Ozil oo deeq afurin ah ugu deeqay Qoysaska danta yar ee Soomaaliya

Ciyaaryahanka caanka ah ee Mesut Ozil ee asalkiisu yahay Turkish, una ciyaara Kooxda Arsenal ayaa deeq afurin ah bishan Ramadaan siiyay qoysaska danta yar ee ka soo jeeda Soomaaliya iyo Suuriya.

Mesut Ozil ayaa kafaala qaaday afurinta 16,000 oo qof bisha Ramadaan, waxaana ay ka kooban yihiin 2,000 qoys Suuriyaan iyo Turkish ah iyo 90,000 kun oo afur ah uu ugu deeqay Soomaaliya.

Deeqda afurinta ah ee uu ugu deeqay Soomaaliya ayaa lagu qeybin doonaa Muqdisho, waxaana uu u wkaiishay Hey’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga oo ka howlgasha Soomaaliya.

Mesut Ozil oo ah ciyaaryahan Muslim ah ayaa u dooda Muslimiinta, iyadoo lagu xusuusto taageeradii uu siiyay Muslimiinta laga tirada badan ee Shiinaha.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com