Mdaxweyne Lafta gareen oo shir ufuray baarlamaanka labada aqal….

Mdaxweyne Lafta gareen oo shir ufuray baarlamaanka labada aqal….

Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo galabta shir wadatashi la yeeshay inta badan baarlamaanka labada aqal ee laga soo doortay koonfur galbeed.

Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa galabta kulan la yeeshay inta badan xildhibaannada baaarlamaanka labada aqal ee laga soo doortay deegaanada konfur galabeed.

Shirkaasi ayaa ahaa sida lagu sheegay kulan wadatashi siyaasadeed ah oo xagga doorashada ah kaasoo uu horay u dalbaday madaxweynaha koonfur galbeed laftagateen mudanayaashuna ay ajiibeen.

Shirkaasi ayaa la iskula soo qaaday mawaaqif midaysan ka yeelashada geedi socodka doorashada oo hadda meel gabagaba ah maraysa, waxaana madaxweynuhu xildhibaannada u jeediyey in ay yeesheen siyaasad mid ah oo ka turjumaysa jiritaanka dad iyo deegaankaba  iyo sidoo kale midnimada guud ee ummadda Soomaaliyeed.

Shirkaan wadatashi oo Baydhabo ka dhacay wuxuu imaanayaa xilli uu jiro madmadow xagga siyaasadda ah iyo mid dhanka geeddi-socodka doorashada ah oo uu qabo madaxweynaha koonfur galabeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kaasoo uu ka qabo Rwasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo guddiga hirgelinta doorashada heer federaal ee uu guddòomiyaha ka yahay Muuse Geelle Faroole.

Inkastoo uu horay u jiray jiitan siyaasadeed iyo xarig-jiid aan dhammaad lahayn oo muddo soo socda, haddana xaaladdu waxay sii xoogaysatay kadib markii dhawaan guddiga hirgelinta doorashooyinka ay hakiyeen saddex kursi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka golaha shacabka ee laga soo doorto koonfur galabeed, waxaana guddigu ay sheegay in saddexdaas kursi doorashadooda dib loo qaban doono.

Tallaabadaasi ayaa maamulka koonfur galbeed ay ku tilmaameen mid sharciga baalmarsan, laguna beegsaday kuraas gooni ah oo aan ka duwanayn kuwa la meelmariyey.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com