MAXKAMADDA SARE OO DIIDAY QAADISTA DACWADDII CABASHO EE FAHAD YAASIIN.

HomeWararka

MAXKAMADDA SARE OO DIIDAY QAADISTA DACWADDII CABASHO EE FAHAD YAASIIN.

Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa diiday, joojisayna qaadista dacawaddii cabasho ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, dacwaddaasi oo dhan ka ahayd guddiga

Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Abukaate Cabdikariim: “Dhamaan dadka ila tartamaya waa qurbajoog aan waxba kala socon xaalada deegaanka” (daawo)
Maamulka degmada Jariiban iyo shacabka oo baaq ka soo saaray dagaalka Towfiiq (dhegayso)

Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa diiday, joojisayna qaadista dacawaddii cabasho ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, dacwaddaasi oo dhan ka ahayd guddiga doorashada heer federaal ee FEIT oo horay u hakiyey kursigii xildhibaannimo ee Fahad Yaasiin horay ugu tartamay.
Maxkamadda ayaa go’aan ay maanta soosaartay ku sheegtay ka baaqashadeeda gelidda dacwadda cabasho ee Fahad Yaasiin, kadib markii shalay ay dhageysatay garnaqsiga labada dhinac ee kala matalayey guddiga FEIT iyo dacwad qabe Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo hadda ah la taliye madaxweyne oo xagga amniga ah.
Diidista dacwo qaaditaan, ayaa maxkamaddu ku salaysay in ay tahay arrintu mid aan qusayn, una oollin sharci ahaan, marka laga cabbir qaato dhigaallada qoraal ee ku xusan heshiiskii 17kii September oo ahaa mid siyaasadeed oo ay qotomiyeen madaxda ku midaysan madasha wadatashiga qaran ee Soomaaliya, kuwaasi oo ah Rwasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta, madaxweynayaasha dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Go’aanka maxkamadda sare ee maanta soo baxay, laguna diiday qaadista dacwadda cabasho ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir agaasimihii hore ee NISA, waxaa saxiixay saddexdii garsoore ee shalay dhegaystay garnaqsiga labada dhinac, uuna ku jiro guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed.
Marka la fiiriyo go’aan gaaridda maxkamadda ee maanta, waxay muujinaysaa in ay maxkamaddu aqbashay dooddii garyaqaanka guud ee dawladda, kaasoo shalay maxkamadda ka horjeediyey in aysan awood u lahayn ka dacwo qaadidda arrimaha doorashooyinka dadban ee golaha shacabka ee 11aad Soomaaliya.
Fahad Yaasiin, 20kii bishii hore ee Maarso ayaa si hordhac ah loogu shaaciyey natiijadii doorasho ee kursiga HOP 086 in uu ku guulaystay kadib doorasho ka dhacday magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, hase ahaatee guddiga FEIT ayaa natiijadii shaacineed ee rasmiga ahayd ka reebay kursiga HOP 086, iyagoo ku sababeeyey habraac khaldan in ay ku dhacday doorashadiisu.
Hakinta kursigaan, waxaa la wadaagay lalana hakiyey saddex kursi oo kale oo golaha shacabka ah kuwaasi oo laga doorto koonfur galbeed, dhawaan ayaana labo ka mid ah la fasaxay, halka kursiga kalena guddigu go’aamiyeen doorashadiisa in dib loogu laabto, maanta ayaana xubnihii u tartami lahaa kursigaasi oo ah HOP 154 la siiyey shahaadada tartamidda.
Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: