Maxkamadda Dastuuriga ah ee Malawi oo laashay Natiijada Doorashadii 2019

HomeWararka

Maxkamadda Dastuuriga ah ee Malawi oo laashay Natiijada Doorashadii 2019

Maxkamadda dastuuriga ee dalka Malawi ayaa laashay natiijada doorashadii muranka dhalisay ee uu sanadkii hore ku guulaystay madaxweyne Peter Mutharika

Madaxweynaha dawladda Puntland oo Kulan La Yeeshay Qaar kamid Ah Wasiirada Dalka Ethiopia
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Maxkamadda dastuuriga ee dalka Malawi ayaa laashay natiijada doorashadii muranka dhalisay ee uu sanadkii hore ku guulaystay madaxweyne Peter Mutharika.

Garsoorayaasha ayaa ogaaday in wax isdaba marin badan ay haraysay doorashadii dhacday 21-kii May 2019.

Waa doorashadii ugu horreysay ee natiijadeeda maxkamad lala tiigsado tan iyo markii uu wadankaasi madax bannaanida qaatay 1964.

Doorasho horleh ayaa dhici doonta 151 maalmood gudahood.

Tan iyo markii la shaaciyay natiijada doorashadaasi ayaa waxaa Malawi ka socday dibed baxyo ka dhan ah dowladda.

Madaxweyne Peter Mutharika ayaa doorashadaasi ku guulaystay markii uu helay 38.6% codadkii la dhiibtay.

Musharraxiinta mucaaradka ee Lazarus Chakwera iyo Saulos Chilima oo galay kaalimaha labaad iyo saddexaad ayaa maxkamad geeyay dacwad ah in doorashadu aanay si xalaal ah u dhicin.

Iskuuladda ayaa la xiray, waxaana hakad galay gaadiidka dadweynaha xilli laga cabsi qabay qaabka looga falcelin doono go’aanka maxkamadda.

Qareennada u doodayay mucaaradka ayaa sheegay in warqadaha natiijada la bedalay kadib markii si rasmi ah loogu soo diray xarunta dhexe ee codadka lagu ururinayay.

Sidoo kale waxa ay ku doodeen in khalad dhanka xisaabta ah uu ku jiray qaar kamid ah natiijada la shaaciyay.

Guddiga doorashada ee Malawi ayaa difaacay qaabka uu u maareeyay doorashada, isagoo sheegay inuu raacay sharciga.

Guddiga ayaa ku dooday in khaladaadka dhacay aanay wax weyn ka bedalin natiijada kama dambeysta ah.

Go’aanka maxkamadda ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii hay’adda la dagaallanka musuq-maasuqa ee dalkaasi ay xirtay ganacsade caan ah oo lagu eedeeyay inuu laaluush siin rabay shanta garsoore ee kiiska qaaday.

Waxa ninkaasi lagu eedeeyay inuu doonayay in go’aanka loo rido dhanka madaxweynaha iyo guddiga doorashada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: