Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukuno riday

HomeWararka

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukuno riday

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Nin lagu helay in qof Shacab ah uu ku diley meel kamid ah Caasimad

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay shir deg-deg ah oo ay yeesheen Madaxda dalalka IGAD
Somaliland: Dacwado Khatar Ku Ah Xoriyadda Hadalka
Wasiir Yariisow: ” Waxaa naga go’an in cadaaladda la horkeeno ragii ka dambeeyey qaraxii Zobe” (dhegayso)

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Nin lagu helay in qof Shacab ah uu ku diley meel kamid ah Caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Cumar Muxudiin Maxamuud ayaa loo haystaa Dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Cabdullaahi Maxamed Xasan Abow, dilkaas oo ka dhacay degmada Boondheere gaar ahaan Ex Wasaaraddii Caafimaadka 20-kii September 2020.

Maalma kadib ayaa loo soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo awood u leh dhaqaajinta Dacwadda Eedeysanaha, waxa ayna isla xilligaasi weydiisteen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in loo gudbiyo Xabsiga Eedeysane Sedax Xarigle Xoogga Dalka Cumar Muxudiin Maxamuud garsuge ahaan.

Baaritaana dheer kadib 21-kii November Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysane Cumar Muxudiin Maxamuud, waxa ayna Maxkamadda aqbashay dhageysiga Dacwadda kowdii Decembber bishii ina dhaaftay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda la yimid Sedax marag oo cadeeyay in Eedeysanaha uu dhac u geysanayay Marxuumka, Warqadda Cadeynta dhimashada iyo Gungaarka Baarista Boliiska oo ay sameeyeen saldhiga degmada Boondheere.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale soo bandhigay eedeymo hore oo ay Maxkamaddu u haysatay Eedeysanaha laakiin dhibanayaashii waagaas ay ka noqdeen Dacwaddii ay u heysteen kowdii June Sanadkii tegay.

Qareenada U dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo Naxariisto Eedeysannaha lagana qaado diyo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: