Maxkamadda Ciidamada oo xukuno ku riday Seddax Askari oo katirsan Ciidanka Taraafikada

Maxkamadda Ciidamada oo xukuno ku riday Seddax Askari oo katirsan Ciidanka Taraafikada

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Seddax Askari oo kaalin kala duwan ku lahaa Muuqaal internet lagu baahiyay, kaas oo lagu dhibaateeynayay muwaadin Soomaaliyeed.

Maxamed Axmed Maxamuud (Carab) ayaa la arkay isago oo jirdil ka baxsan Bini’aadanimada u gaysanayo askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay Xarunta Taraafikada.

Waxaa lagu xukumay Seddax sano oo xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.

Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa Camerada CCTV, ahaana ninkii la wadagaagay Cabdullaahi Abuukar Cariif ayaa lagu xukumay min laba sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.

War kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa waxaa lagu sheegay inay raggaan awoodi kareen in ay la wadaagaan muuqaalka hay’adaha ku shaqada leh CID iyo Xeer Ilaalinta Ciidamada balse badalkeed ay doorteen ceebaynta Qaybta ilaalada Nabadgalyada Waddooyinka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute ayaa u sheegay warbaahinta xukunkan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com