HomeUncategorized

Maxkamada Isaanka midowga Yurub oo codsatay in aan la celin qaxooti Afrikaan oo ku sugan Malta

Vittela, July 12- 2013 - Jaziirada Malta maanta waxaa ku negaaday labba duulimaad oo muhaajiriin Afrikaan ah kuwaasi oo la doonayey in dib loogu soo celiyo dalka Liibiya halkaasi oo markii hore ka tahriibeen

C/rashiid Xidig oo aan ka waraysanay saraakiil milatari, Eritrea ah oo la sheegay in ay ku sugan yihiin Kismayo. [Dhegaysi …]
Weriye Batuun oo aan ka waraysanay mudaharaado ka dhacay Hargeysa. [Dhegaysi …]
War saxaafadeed: Talo bixin dhacdooyinka nabadgelyo darro ee Puntland.

Vittela, July 12-? 2013 – Jaziirada Malta maanta waxaa ku negaaday labba duulimaad oo muhaajiriin Afrikaan ah kuwaasi oo la doonayey in dib loogu soo celiyo dalka Liibiya halkaasi oo markii hore ka tahriibeen.

Ku dhowaad 400 boqol oo Afrikaan muhaajiriin ah ayaa la rajaynayey in ay soo qaadaan labbada duulimaad ee Malta ka soo bixi lahaa Maanta, balse waxaa yimid amar balaaran oo arintaasi lagu joojiyey, iyadoo awal maamulka Malta ay go,aankaas gaareen.

Maxkamada xuquuqda Aadanaha ee midowga Yurub ayaa soo saartay codsi ay Malta kaga dalbanayso in la joojiyo celinta qaxootiga dib loogu celin lahaa dalka Liibiya, ra?isal wasaaraha Malta Joseph Muscat ayaa sheegay in dowladiisu ay tix gelinayso go?aanka Maxkamada Insaanka ee midowga Yurub.

Xukuumada uu ?Ra?isal wasaaraha ka yahay Joseph Muscat ayaa dhowaan gaartay go,aan rasmi ah oo lagu fasaxayey in la celiyo 400 boqol oo tahriibayaal ah, kuwaasi oo dhanka badda ka soo galay Jaziirada Malta, maanta oo Jimce ah ayaa soo celinta la fulin lahaa ka hor go,aanka midowga Yurub.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in muhaajiriinta la soo celinayo ay yihiin Soomaali iyo Ereterian, horaantii todobaadkan waxaa la badbaadiyey in ka badan 60 muhaajiriin oo dhamaantood Soomaali ah, waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Badda ee Jaziira Malta xili ay doontii kaga xumaatay Badda.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: