Howgalka AMISOM Oo Iclaamiyey talaabo ka dhan ah weerarada qaraxyada ee ay fuliso ee Al-shabaab

Muqdisho, July 13- 2013 -? Howgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee jooga Soomaaliya ayaa iclaamiyey qorshe cusub oo ka dhan ah weerarada ay kooxda al-shabaab ka fuliso gudaha dalka, waxay sheegeen in ay dagaal culus oo ka dhan ah amaan darrada ay ka fulin doonaan ?Soomaaliya.

Afhayeenka howgalka AMISOM Col. Cali Xaamud oo la hadlay warbaahinta dowlada Soomaaliya ayaa canbaareeyey weerarkii ay al-shabaab la beegsatay ciidamada AMISOM, kaasi oo ka dhacay gudaha Muqdisho gelinkii dambe ee Jimcaha.

Wuxuu sheegay Afhayeen Xaamud in AMISOM ay haatan ka go,an tahay in ay ka shaqeyso ka hortaga weerarada ka dhanka ah amaanka shacabka Soomaaliyeed, wuxuu ka dalbaday bulshada in ay la shaqeeyaan oo ay u soo gudbiyaan, dhaq dhaqaaqa ay wadaan dadka is qarxinaya iyo kuwa amni darrada wada.

Dhinaca kale wuxuu iclaamiyey Col. Xaamud in ay mar kale diyaar u yihiin in ay soo afjaraan haraadiga kooxda al-shabaab ee? ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, iyo weliba qorshaha ka dhanka ah amni xumada ee ay kooxdaasi ka wado meelo ka mid ah dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Gelinkii dambe ee jimcaha magaalada muqdisho waxaa ka dhacay weerar culus oo is qarxin ah isla markaasna lala eegtay kolonyo ciidanka AMISOM ah, waxaa geeryooday 7 ruux halka uu dhaawac soo gaaray 15 kale oo dhamaantood dadkii aaga joogay ah, balse Afhayeenka AMISOM wax faah faahin dheeraad ah arintaasi kama uusan bixin.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com