Maxkamada gobalka Banaadir oo bilaabaysa maanta dhegaysiga kiis masuuliyiin loo haysto

Maxkamada gobalka Banaadir oo bilaabaysa maanta dhegaysiga kiis masuuliyiin loo haysto

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa Goordhow billaabeysa dhageysiga kiiska dacwadda musuq maasuq ee loo heystay Mas’uuliyiin katirsan, Wasaaradda Shaqaada & Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Mas’uliyiintaan ayaa waxaa horay xukun kala duwan ugu riday Maxkamadda Gobolka Banaadir, hayeeshee Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa racfaan ka qaadatay, waxaana ay isugu jiraan kuwo dalka ku sugan iyo kuwo ku maqan dalka dibaddiisa.

Mas’uuliyiinta Maxkamadda Racfaanka ay kiiskooda dhageysan doonto oo horay xukunka loogu riday oo gaaraya 11 mudane ayaa waxaa Magacyadooda iyo xukunada horay loogu riday ay kala yihiin.

1- Cabdullaahi Maxamuud Cosoble oo ahaa agaasimhii waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu xukumay 1 sano oo xabsi ah.

2- Cumar Macallin Nuur, agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa isna lagu xukumay 1 sanno oo xarig ah.

3- Saabir Xasan Cabdinuur, madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka ayaa lagu xukumay saddex sanno iyo lix bilood oo xarig ah

4- Aadan Maxamed Cabdi, maamulaha qaadashada Visaha ee waaxda Viso kordhinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu waayay dhammaan eedeymihii loo soo jeediyay, waxayna maxkamaddu dib ugu celisay xoriyadiisa.

5- Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahim oo ah maqane, ahaana madax qaybeedka ruqsad siinta ajaaniibta waaxda sharciga ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa lagu xukumay wadar ciqaabeed dhan 9 sanno oo xarig ah, sidoo kale waxaa laga joojiyay qabashada xafiis dowladeed si joogta ah.

6- Cabdiwaaxid Mursal Ibraahim oo maqane ah, ahna shaqaale ka tirsan qaybta ruqsad siinta ajaaniibta waaxda sharciga ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa isna lagu waayay dhamaan eedeymihii loo haystay, waxayna maxkamadu u celisay xoriyaddiisa.

7- Cabdullahi Maxamed Cali oo ah agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa isna lagu waayay qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa.

8- Maxamed Cadde Mukhtaar Cabdiraxmaan oo ah agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sidoo kale lagu waayay qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa.

9- Abuukar Maxamed Cali oo ahaa maamulkii xafiiska canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda, laanta garoonka Aadan Cadde ayaa lagu xukumay wadar ciqaabeed dhan 8 sanno oo xabsi ah, sidoo kale waxaa laga joojiyay qabashada shaqo dowladeed.

10- Cabduqaadir Cabdi Socdaal oo isna ahaa qasnjiga qaybta dakhliyada ajaaniibta ee Bankiga Dhexe, laantiisa garoonka Aadan Cadde ayaa lagu waayay dhammaan qodobadii lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa.

11- Maxamed Aadan Cabdullaahi, ahna maamulka Bangiga dhexe, laanta garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa lagu xukumay 8 bilood oo xarig ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com