Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Nugaal oo xukun riday (daawo)

HomeWararka

Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Nugaal oo xukun riday (daawo)

Maxkamada darajada 1aad ee Gobolka Nugaal Puntland ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday 6 rag ah, kuwaas oo lagu soo qabtay inay ka ganacsanayeen maan

Muuqaalka Bulshada: Xiriirka ka dhexeeya Macalinka iyo Ardaygiisa (dhegayso)
Maydadka laba Caruur ah oo la helay kadib markii ay badu liqday (dhegayso)
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)

Maxkamada darajada 1aad ee Gobolka Nugaal Puntland ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday 6 rag ah, kuwaas oo lagu soo qabtay inay ka ganacsanayeen maandooriyaha Khamriga.

Raggaan ayaa Maxkamadeyntooda waxaa ay soo martay heerar kala duwan, waxaana lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay Guri kuyaalla Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Raggaan oo ay soo eedeyaay xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa waxaa lagu kala xukumay min 5 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed, Gurigi lagu soo qabtay maandooriyaha oo ay dowladdu la waregto, waxaana ka furan xukunka Racfaan sida uu ku dhawaaqay mid kamid ah garsoorayaasha Maxkamada darajada 1aad ee Gobolka Nugaal.

Bilihii la soo dhaafay ayaa Maamulka Puntland waxaa ay dagaal kula jireen dadka ka Ganacsada maandooriyaha Khamriga, waxaana howlgallo laga sameeyay magaalooyinka Garoowe & Gaalkacyo lagu soo qabtay Dad ka Ganacsada maandooriyaha khamriga.

Daawo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: