Maxkamad amartay In lasoo xiro madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika

HomeWararka

Maxkamad amartay In lasoo xiro madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika

Maxkamad ku taal dalka Koonfur Afrika ayaa amar ku bixisay in lasoo xiro madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma, kadib markii uu ka soo hor m

Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Garoowe (dhegayso)
MKX Carrabeey: “Hadalka Farmaajo waa soodhaweynaynaa laakiin doorashada Galmudug waa 30ka bishaan” (dhegayso)
Dhismaha Dekeda Berbera iyo Booqashada Madaxweyne Biixi (Sawirro)

Maxkamad ku taal dalka Koonfur Afrika ayaa amar ku bixisay in lasoo xiro madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma, kadib markii uu ka soo hor muuqan waayey maxkamad.

Qareenkiisa Zuma ayaa ku dooday in maxkamadda looga baahan yahay inay ogaato xaaladda caafimaad ee Zuma.

Zuma oo loo heysto dacwad musuq maasuq ayaa lagu waday in maanta uu kasoo hor muuqdo maxkamad balse xaaladdiisa caafimaad ayaa laga deyriyay, sida ay sheegeen qareenadiisa.

Laanta qaran ee arrimaha dacwadda ayaa ku dooday in warqaddii muujineysay inuu xannuunsanaa Zuma ay aheyd mid aan la aqbalin karin maadama ay u muuqatay in taarikhda wax laga badalay.

Hadii maxkamadda ay xaqiijiso in uu ka been sheegay xanuunkiisa isla markaasna uu ku kasoo hor muuqan waayo maxakamadda 6-da bisha May inay ka dhigan tahay in la xiri doono.

Zuma waxaa lala xiriiriyay musuq-maasuq dhanka ganacsiga hubka sagaashamaatkii.

Balse wuxuu beeniyay inuu wax dambi ah galay.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: