MAXAY KAWADA HADLEEN KMG DOORASHOOYINKA PUNTLAND IYO URURADA SIYAASADA

HomeWararka

MAXAY KAWADA HADLEEN KMG DOORASHOOYINKA PUNTLAND IYO URURADA SIYAASADA

Garoowe: KMG Doorashooyinka Puntland iyo Ururada Siyaasadda oo ka wada hadlay hanaanka Geedi-Socodka Doorashooyinka Puntland. Guddiga KMG Doorashooy

Warka Arooryo iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir cWaaq (dhegayso)
Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Qaar kamid ah madaxdii hore ee Puntland lacago siin jirtay (dhegayso|daawo)
QARDHO & AFKAARTA Dadweynaha go’aanki xalay ee ay soo sareen qaar kamid ah Issimadda Puntland

Garoowe: KMG Doorashooyinka Puntland iyo Ururada Siyaasadda oo ka wada hadlay hanaanka Geedi-Socodka Doorashooyinka Puntland.
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa maanta kulan la yeeshay Ururada siyaasadda Puntland, kulankan ayaa TPEC Ururadda ugu soo bandhigeen xog ay ka qoreen casharadii, caqabadihii iyo xalalka laga bartay doorashadii saddexda degmo.

Ururadda ayaa iyagana soo jeediyay waxyabihii ay ka qoreen inta ay socotay doorashadii qabsoontay 25 October 2021, sidoo kale waxay fikrado ka dhiibteen kana doodeen TPEC iyo Ururadu sidii loo sii wadi lahaa ka dhabaynta rajada iyo himilada shacabka Puntland iyo dhmaystirka doorashada qof iyo cod ee golayaasha degmoouinka Puntland.
Ugu danbayn gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka Guddiga ayaa ururadda ugu mahadceliyay sida ay ugasoo qaybgaleen kulanka una soo bandhigeen waxay fikir qabeen, waxayna usheegeen in qorshaha TPEC saldhig uyahay wadatashidaga bahwadaagta iyo danleyda doorashada oo ay iyagu ugu horeeyaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: