Maxay ka wada hadleen Rooble, Cumar Cabdirashid iyo C/karin Qalbi-Dhagax?

Maxay ka wada hadleen Rooble, Cumar Cabdirashid iyo C/karin Qalbi-Dhagax?

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo weli booqasho ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Sharmarke.

Kulankan ayaa la sheegay inuu ahaa iska xog-wareysi guud ee xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magaalada Nairobi kula kulmay C/kariin Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsanaa Jabhadii ONLF ee ka dagaalami jirtay deegaanka Soomaalida Itoobiya balse ay dowladii uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa Kheyre u gacan gelisay xukuumada Ethiopia.

Hase yeeshee Cabdikariin Qalbi-dhagax ayaa waxaa xabsiga laga sii daayey markii uu xukunka la wareegay Abiy Ahmed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale waxa uu booqday safaarada Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi iyo weliba goobo kale.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com