Maxay ka wada hadleen Muuse Biixi iyo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ?

Maxay ka wada hadleen Muuse Biixi iyo safiirka  Ingiriiska ee Soomaaliya ?

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender.

Kulanka waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa dhaqaalaha Ingiriisku siiyo Somaliland iyo arrimo la xidhiidha dhinacyada amniga mandaqadda geeska Afrika, kobcinta iyo kor u qaadidda waxbarashada, sidoo kale waxa kulankaasi lagu lafo guray arrimaha doorashooyinka Somaliland oo mudooyinkii dambe buuq ka taagnaa.

Image may contain: 3 people, people standing and suit

Waxaanu madaxweynuhu safiirka iyo weftiga uu hoggaaminayo uga mahadnaqay xiriirka wada shaqayneed ee kala dhexeeya Somaliland iyo sidii loo sii dardar gelin lahaa loona xoojin lahaa xiriirkaasi.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and indoor

Dhiniciisa, safiirku waxa uu sheegay inay ka dawlad ahaan marwalba diyaar u yihiin wada shaqaynta labada dhinac in la xoojiyo lagana wada socdo wixii hadba ku soo kordha Somaliland.

Image may contain: 2 people, people sitting

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com