Maxay ka wada hadleen madaxweyne Farmaajo iyo guddiga qaabilsan wada hadalada Somaliland? (Akhriso)

HomeWararka

Maxay ka wada hadleen madaxweyne Farmaajo iyo guddiga qaabilsan wada hadalada Somaliland? (Akhriso)

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howl gelinta Guddigan iyo shaqooyinka ay qabteen muddadii koobneyd ee ay magacaabnaayeen ay muujinayso sida ay uga go’a

Siyaasi Axmed Siciid Aw-nuur “Waxaa jira khilaaf siyaasadeed hadii aan xal loo helin doorsho dhici mayso
Sheeko Gaaban: Guuldarro Jacayl God ma loo Galaa! (Taxanaha 21aad – dhegayso/daawo)
Dowladda Britain oo xarun lagu tababaro ciiddamada dowladda ka furtay Baydhabo (dhegayso)

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howl gelinta Guddigan iyo shaqooyinka ay qabteen muddadii koobneyd ee ay magacaabnaayeen ay muujinayso sida ay uga go’an tahay dowladda hor u socodsiinta qorshaha Qaran ee lagu xoojinayo wadashaqeynta iyo hirgelinta jawi kalsooni iyo horumar loo dhan yahay.

Madaxweynaha ayaa xasuusiyey Guddigan in laga sugayo xal waara oo miro dhal ah, horseedana qorshe Qaran oo ku wajahan tabashooyinka walaalaheenna Somaliland, si loo xaqiijiyo mabaadi’deenna wadajirka ah ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda iyo isku duubnida.

Dhankooda, Xubnaha Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa Madaxweynaha la wadaagay xogta ay ururiyeen muddadii la soo dhaafay ee ku saabsan fursadaha muuqda ee ka miro dhalinta dhab u heshiisiinta ay guddigu u xilsaaran yihiin iyo caqabadaha ku xeeran.

Kulankan wada-tashiga ah waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo dhammaan Xubnaha Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: