Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Galmudug & Safiirka UK ee Soomaaliya?

HomeWararka

Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Galmudug & Safiirka UK ee Soomaaliya?

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo danjiraha UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin horumarinta kaabiyaash

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Hey’adaha Dadka Naafada ah
Madaxweynaha sudaan oo Wasiiro cusub ku dhawaaqay
Warka Fiidnimo iyo Xasan Haykal, Daljir Bossaso

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo danjiraha UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin horumarinta kaabiyaasha dhaqaalaha, amniga iyo dhismaha hey’adaha kala duwan ee maamulka Galmudug oo dowladda Britain gacan ka geysato.

Kulan maanta aaladda fogaan aragga ku yeesheen labada mas’uul ayay diiradda ku saareen xoojinta wada shaqeynta iyo sidi UK u dardargelin laheyd taageerada dhismaha hey’adaha Galmudug.

Dhinaca kale, Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha dardargelinta doorashada dalka oo si habsami leh ku socota.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii danjiraha kaga mahadceliyay taageerada iyo garab istaagga dowladda UK ee guud ahaan Soomaaliya iyo Galmudug si gaar ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: