Madaxweynaha sudaan oo Wasiiro cusub ku dhawaaqay

Madaxweynaha dalka Suudaan, Omar Xasan Al-bashiir waxa uu Xilka Wasiirka Maaliyadda cusub ee dalkaasi u magacaabay Mustafa Yuusuf, kaasi oo beddeli doona Mucataz Muusa, oo isaga 2-maalin gudaheeda ku waayey xilalka Ra’isul-wasaraha iyo Wasiirka Maaliyadda.

Hadal ka soo baxay Madaxtooyadda dalkaasi ayaa lagu sheegay Magacaabistaasi.

Sabtidii la soo dhafaay ayey ahayd, markii uu Madaxweyne Al-bashiir uu magacaabay Madaxweyne-ku-xigeen iyo Ra’isul-wasare cusub si ay u maareeyaan Mashaqada Dibadbaxyadda la siyaasadeedyey ee gilgilay Deganaanshihii dalkaasi.

Cawad Maxamed Axmed Ibnu Coof oo ah Wasiirka Difaaca ee Suudaan waxa uu loo magacaabay Madaxweyne-ku-xigeenka 1-aad ee dalkaasi, iyadoo xilka Ra’isul-wasaaraha cusub ee dalkaasi loo magacaabay Guddoomiyihii Gobalka Jazeiira, Maxamed Daahir Ayaala, oo isagoo u muuqda Ninka xilka kala wareegi doona Madaxweyne Al-bashiir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com