Maxay ka wada hadleen Madaxwene Qoorqoor & Wakiiladii ka socday Beesha Caalamka?

HomeWararka

Maxay ka wada hadleen Madaxwene Qoorqoor & Wakiiladii ka socday Beesha Caalamka?

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa wada-hadallo dhanka Khadka Internetka ee Aalada Zoomka waxaa uu kula yeeshay qaar

Caawa & Daljir iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Madaxweyne Shariif Xasan oo Xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Maxkmadda Sare (dhegayso)
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa wada-hadallo dhanka Khadka Internetka ee Aalada Zoomka waxaa uu kula yeeshay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, UK, USA iyo Midowga Yurub kala hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin doorashooyinka amniga, qoondada haweenka iyo taageerada miisaaniyada.

”Waxaan u xaqiijinnay inaan soo gebagebeyneyno doorashada ka hor dhammaadka 2021-ka ayuu yiri” Madaxweynaha Galmudug.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa ay wadaan dadaalo ku aadan sidii Madaxda Soomaalida ay sanadkaan 2021 u soo geba-gabeyn lahaayeen doorashada Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: