Maxay ka wada hadleen Guddiga doorashooyinka Heer Federaal & Booliska Gobolka Bari?

HomeWararka

Maxay ka wada hadleen Guddiga doorashooyinka Heer Federaal & Booliska Gobolka Bari?

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa manta Xafiskiisa Ku Qaabilay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Ma

Madaxweynihi hore ee Somaaliya oo ka hadlay dib u dhaca dacwada badda Somaaliya & Kenya (Daawo)
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso/daawo)
Ciidamadda Dowladda Federaalka oo howlgalo xalay ka sameyeey Muqdisho

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa manta Xafiskiisa Ku Qaabilay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Maaaul Goboleed ee Puntland.

Kulanka ayaa la iskaga xog wareystay Xaladaha iyo diyaar Qabashada Kuraasta Aqalka Hoose oo dhawaan sida uu qorsha yahay lagu qaban doono Magalada Boosaaso.

Taliye Xuseen ayaa Gudiga u sheegay in xili horeba ay u diyaar u noqdeen sugida amniga isagoona sheegay in waxwalba ay Booliska Gobalka Bari diyaar ka yihii.

Muuse Geelle Faroole oo ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa sheegay in ay tahay arin wanagsan sida ay Boosaaso diyaar ugu tahay qabsoomida Dorashadaan isagoona u mahadceliyay Booliska Gobalka Bari iyo Bulshada Bosaaso isagoona sheegay in ay tahay wax lagu farxo arintaan.

Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ayaa waxaa ay kamid yihiin degaannada ay ka dhacayaan doorashooyinka Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka, waxaana Puntland ay sheegtay inay u diyaar garoobeen doorashada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: