Ciidamadda Dowladda Federaalka oo howlgalo xalay ka sameyeey Muqdisho

HomeWararka

Ciidamadda Dowladda Federaalka oo howlgalo xalay ka sameyeey Muqdisho

Ciidamada Dowlada Faderaalka ah ayaa howlgalo saacado badan qaatay Xalay ka sameeyay Xaafadaha Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud,kadib falal amni

Caawa & Daljir iyo Axmed Shiikh Maxamed (Tallman), Daljir Boosaaso (dhegayso)
Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Garowe (dhegayso)
Somalidu Maxamy Ka Faaiidi Kartaa Xiriirka Iskaashiga Dhaqaale ee Shinaha iyo Afrika ?.

Ciidamada Dowlada Faderaalka ah ayaa howlgalo saacado badan qaatay Xalay ka sameeyay Xaafadaha Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud,kadib falal amni darro oo kusoo kordhay degmadaas.

Howlgalka ayaa waxaa ay Ciidamada Dowladda kusoo xir xireen tiro dad ah oo lagu tuhmayo weerar bambo gacmeed ah oo habeen hore lagu qaaday Guri uu daganaa Sarkaal ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya, walow inta badan dadkaasi baaritaan kadib la sii daayay.

Ciidamada oo isugu jiray Booliis iyo Nabadsugid ayaa baaritaanada ka sameynayay Xaafadaha Magaalada, Goobaha Ganacsiga iyo Gaadiidka adeegsanaya wadooyinka Griceel.

Taliyaha Ciidamada Birmadka Booliiska Galgaduud Dhamme Cusmaan Cali Hudeey iyo Taliyaasha Booliiska iyo Nabadsugida guriceel oo howlgalka horkacayay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgallada ay sii socon doonaa ilaa iyo inta ammaanka ka xaqiijinayaan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: