Maxay ka wada hadlayaan Sacuudiga iyo Qatar ?(Akhriso)

Maxay ka wada hadlayaan Sacuudiga iyo Qatar ?(Akhriso)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa xaqiijiyay wada hadalo uu dalkiisa la yeeshay Sacuudiga, labo sano kaddib markii Xukuumadda Riyadh ay bilowday in xayiraad kd ahna ah Dooxa ku soo rogto, ayna xiriirka u jarto deriskeeda.

Mohammed bin Abdulrahman al-Thani ayaa sheegay in Qadar ay rajeynayso in wada hadalada ay ka soo bixi doonaan natiijooyin wanaagsan.

“Waxaan ka soo dhaqaaqnay marxalad adag, una gudubnay xooggaa horumar ah, wadahadallo qaar ayaa naga dhaxeeyey, gaar ahaan Sacuudiga, Waxaan rajeyneynaa in wada hadaladan ay horseedi doonaan horumarkeena iyo meesha aan ku arki karno dhamaadka dhibaatada”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar oo ka hadlayay Shirkii Arrimaha Siyaasadda Dibadda ee ka dhacay magaalada Rome, sida ay soo warisay Al Jazeera.

Mr Al-Thani ayaa sheegay in shirar dhowr ah ay yeesheen Mas’uuliyiin ka socday Sacuudiga iyo Qatar, ayna ka dhaceen meelo kala duwan, balse ma aanu sheegin mowduucyada laga wada hadlay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa u mahadceliyay Amiirka dalka Kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Sabah doorkiisa ku aadan dhex dhexaadinta labada dal.

Sacuudi Carabiya, Baxreyn, Masar iyo Imaaraadka Carabta waxay xiriirka u jareen Qatar bishii Juun 2017, waxay kaloo bilaabeen inay ku soo rogaan xayiraad dhul, cirka iyo badda ah, iyagoo ku eedeynaya inay taageeraan argagixisada, isla markaana faragelin ku heyso arrimahooda gudaha, balse dowladda Qatar ayaa beenisay eedeymahaas.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    WAXAY KA WADA HADLEEN IN LA TAAGEERO KOOXAHA ARGAGAXISADA LAGU SHEEGO  EE DHIBAY DUNIDA MUSLIMKA GAAR AHAAN SOMALIYA SI LOO QANCIYO POLICE-ka DUNIDA WAA (MARAYKANKA”e).
    IIRAANA LOO DHABAR JABIYO IYADOO LAGU QANCINAYO ISRAEL & USA.
    I SAID:QATAR,SAUDI,UAE,DHAMAANTPOODBA WAXAY TAAGEERAAN ISIS,ALSHABAB.IWM,MARAYKAN BAANA KU RAAFAY!!!!.
    F A H A M T U walaa L A A. 

    LET OP: ATTENTION:

    TERRORIST ANTI MUSLIMS AGENDA:
    EXAMPLE:
    *-*-*-*-*-*-*-*-*…………
    ISIS=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    ISIS they never Attack ISRAEL!!!! WHY NOT!!? ISIS made in ISRAEL.true story!.
    ALSHABAB+CIA+MI6+UNSOM+AMISOM+NISA=ONE.(ISKA JIR HANA KU MILMIN HUWANTAAS).
    ALQACIDA made in U.S.A. 
    ISRAEL DID 9/11…..& IN SIDE JOB.(4000 JEWISH is Absent…In That DAY!!!).true.
    DID MOSSAD DO CHARLIE HEBDO!!!? proof.
    MOSSAD FINGERPRINTS ON PARIS ATTACK’s.
    KEN O KEEFE ex US-MARINS SAY:CIA,MI6,MOSSAD are ISIS.
    I SAID:MUSLIMS not TERRORIST 100%.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com