Maxaad ka taqaan ciidamada PSF mise run baa in Taliye Assad Cismaan yahay musharrax Madaxweyne Puntland (dhegayso)

Maxaad ka taqaan ciidamada PSF mise run baa in Taliye Assad Cismaan yahay musharrax Madaxweyne Puntland (dhegayso)

Waa hordhac baaritaano taxanayaal Radio Daljir oo taaban doono taariikhda, hadafka iyo hawl-maalmeedka maanta ee Ciidamada Ammaanka Puntland iyo Taliska Sare ee Ciidamada PSF-ta.

Baaritaanka Daljir kabacdi waxaa maalmahaan soo ifbaxaya in taliyihii ciidamada sirdoonka Puntland, taliye Assad Cismaan yahay musharrax Madaxweyne Puntland, booskii Taliyaha Ciidamada Ammaanka Puntland-na lagu wareejiyey walaalkiis Maxamuud Cismaan Cabdulaahi . Taliye Assad Cismaan ayaa booska hore uga dhaxlay aabbihiis.

Radio Daljir weli uma aysan suurtagalin in aan helno wareegtada magacaabidda taliyaha cusub ee Ciidamada Ammaanka Puntland (PSF), balse kala soco bogga Daljir.

Ciidamada PSF waxaa dhanka maaliyadda iyo tababarka ka taageera dowladda Mareykanka iyo ciidamada USA AFRICOM iyo taliska CJTF-HOA Djibouti.

Hoos ka dhegayso warbixinta Radio Dljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com