Maxaa sababay in madaxweyne Deni uu Shaqada ka joojiyo duqii degmada  Boosaaso?

HomeWararka

Maxaa sababay in madaxweyne Deni uu Shaqada ka joojiyo duqii degmada Boosaaso?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr 09 ee 9-ka Maarso 2021, kuna saabsan shaqo ka joojin Guddoomiyaha Go

Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman (dhegayso)
Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin Jalalaqsi
MAANHADAL: Xalka Fatahaada Qardho & Saamaynta Bulshadda

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr 09 ee 9-ka Maarso 2021, kuna saabsan shaqo ka joojin Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: Eedaymaha la xiriira ku dhaqan la’aanta nidaamka maamulka dhaqaalaha ee degmadda Boosaaso

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Markuu tixgeliyey: Cabashooyinka ka imanaya shacabka degmadda Boosaaso

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa shaqada laga joojiyey Guddoomiyaha Degmada Boosaaso, Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

2. Waxaa shaqada sii wadaya Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Degmadda Boosaaso.

3. Waxaa la faray Hanti dhawrka Guud in ay baaris dhameystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareynta

Xeerkan waxaa uu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu Saxiixo, wuuna saxiixay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: