Maxaa maanta looga hadlay shirkii golaha wasiiradda DFS?

Maxaa maanta looga hadlay shirkii golaha wasiiradda DFS?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka, amniga iyo la dagaalanka Alshabaab .

Golaha ayaa warbixin ku saabsan saameynta ka dhalatay roobabka daadadka wata, waxa ay ka dhageysteen Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo soo bandhigay in ku dhawaad laba malyuun oo qof ay saameeyeen roobabka iyo daadadka ka da’aya dalka. Iyada oo inta la xaqiijiyey ay ku geeriyoodeen roobabka daadadka wata ee El-nino muwaadiniin gaaraya 96.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta gurmadka dadka ay saameeyeen dadaadadku, waxa ayna ugu baaqeen hey’adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la caawiyo dadka ay saameeyeen roobabku.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomalaiya Xamsa Cabdi Barre oo shirka guddoominayey, ayaa golaha warbixin ka siiyey safarkii uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo, waxuuna soo bandhigay baaxadda saameynta ay ku yeesheen daadadku gobolka.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo la dagaalanka Alshabaab ah ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaanshaadhigga.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com