Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta oo Isniin ah inay mid kamid ah kulamadooda caadiga ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka, isla markaana Ajandayaasha Kulanka Maanta ay yihiin:

1.Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Socdaalka
2.Dhamaystirka dooda warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka la-dagaalanka Argagixisada

3.Ka doodista warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta
4.Ka doodista Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda ay sidoo kale ka doodaan ajanayaashaan iyo kuwo kale ayna ansixiyaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com