Maxaa looga hadlay shirkii golaha wasiiradda Somaaliya?

HomeWararka

Maxaa looga hadlay shirkii golaha wasiiradda Somaaliya?

Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxay ku meel mariyeen Hindise-sharciyeedka dhismaha hey'adda di

Shirkii Tabashada Beesha Tanade Daarood oo Qodobo Hordhac ah laga soo Saaray (dhegayso)
Muuqaalka Bulshada : iyo Aqoonyahan Daauud Daahir Xasan oo falan qaynaya nidaamka deen cafinta Soomaaliya iyo Ahmiyada ay leedahay  (dhegayso )
Garaad Cabdulqaadir Botaan:”Shacabka Dantiisa halaga shaqeeyo Ganacsatadana dantooda kaliya yeey fiirsan “

Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxay ku meel mariyeen Hindise-sharciyeedka dhismaha hey’adda diiwaan gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed, Hindise Sharciyeedka dhismaha hey’adda dhiirri-gelinta maal-gashiga iyo siyaasadda isbedelka cimilada.

Shirka Golaha ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Istaraatiijiyadda dhiirri-gelinta maal-gashiga qaranka, Axdiga jaamacadda Carabta ee la dagaallanka Musuq-maasuqa,
heshiiska Iskaashiga arrimaha waxbarashada ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga iyo Heshiiska iska ilaalinta laba jeer canshuuridda iyo kahor tagga la baxsiga canshuuraha saaran dakhliga ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Qatar.

Kulanka oo uu guddoomiyay Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixnta amniga iyo xaaladda waxbarashada dalka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: