Maxaa looga hadlay shirkii Golaha Wasiirada Galmudug?

Maxaa looga hadlay shirkii Golaha Wasiirada Galmudug?

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu hareerfadhiyo ku xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiiradda oo maata looga hadlay qodobo kala duwan, laguna meelmariyey afar (4) Hindise sharciyeed.

Kulanka ayaa ugu horreyn warbixin la xiriirta amniga looga dhageysatay wasiirka Amniga Gudaha oo golaha usoo bandhigay qorshaha Dib u xorreynta Deegaanada maqan.

Golaha ayaa go’aamiyey in la xoreeyo deegaanka kujira gacanta argagixisada.

Sidoo kale shirka ayaa lagu soo hadalqaaday falkii gurracnaa ee todobaadkan ka dhacay Cabudwaaq. waxaana hoosta laga xariiqay in gacanta lagu soo dhigo shaqsiyaadkii geystay fal-danbiyeedkaas.

Golaha wasiiradda ayaa go’aamiyey in si Daahfuran loo soo xulo Agaasimeyaasha Guud Ee Wasaaradaha. Waxayna xilsaareen guddi ka kooban wasiiradda Maaliyadda, Shaqadda, Waxbarashadda, iyo Caafimaadka iney ka gacansiiyaan Hay-adda Shaqaalaha Rayidka DGM arrintaas.

Ugu danbeyntio Golaha ayaa kulankooda ku meelmariyey Sharciyada; Sharciga Nootaayada,Sharciga Guddiga Adeegga Garsoorka, Sharciga Kaluumeysiga iyo Sharciga Shirkadaha Ganacsiga.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com