Maxaa looga dooday Kalfadhigii 49aad ee baarlamanaka Puntland?

Maxaa looga dooday Kalfadhigii 49aad ee baarlamanaka Puntland?

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland , Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad , Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada Maamulkaas.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 40 mudane ayaa Xildhibaannada Dood ka yeesheen xaaladaha abaaraha, amniga iyo arrimaha Doorashooyinka heer Federal, iyadda oo uu ekaa maanta 45 cishe oo uu furnaa Kalfadhiga 49-aad.

Intaa kadib 6 Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa soo jeediyey in Golaha fasax galo maadama duruufo badan dalka ka jiraan, wakhtigii Kalfadhigana uu maanta ku eg yahay, waxaana cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyay 39, cid diiday ma jirin, waxaana ka aamusay 1 mudane.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Golaha uga mahadceliyey sidii xilkasnimada lahayd oo ay u guteen shaqooyinkii Dastuuriga ahaa mudadii uu socday kalfadhiga 49-aad, wuxuuna Guddoomiyey in kalfadhiga 49-aad uu xiran yahay Goluhuna uu fasax geli doono ayna isu soo noqon doonaan June 15, 2022.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com