Maxaa ka socda gudaha xarunta Baarlamaanka Puntland?

Maxaa ka socda gudaha  xarunta Baarlamaanka Puntland?

Baarlamanka Puntland ayaa maanta oo Sabti ah yeelanaya Fadhiga 13-aad ee Kal-fadhigooda 49-aad, kaas oo looga doodayo wax-ka beddelka xeerka Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Puntland.

Wax-ka beddelka Xeerkan waxa akhriskii labaad ku sameeyay Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiilada.

Dhinaca kale, gudaha Baarlamanka waxa ka socda mooshin ka dhan ah Heshiiska Shirkadda DP World ee dekedda Boosaaso.

Mooshinka ayaa lagu wadaa in Guddoonka loo gudbiyo, marka la gaaro Qodobka uu Ajandaha kaga jiro Heshiiska DP World, inkasto ay jiraan Qodoba ka horreeya.

Mooshinkaas oo ah mid xooggan waxa sii badanaya Xildhibaannada taageersan in la gudbiyo, si meesha looga saaro Heshiiska P&O ee dekedda Boosaaso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com